IMF oo ogolaatay in ay Kordhiso Muddada Taageeradeeda Dhaqaale ee ay siiso Somalia

Muqdisho (Aftahannews)- Hay’adda lacagta adduunka ee IMF, ayaa waxay ogolaatay in ay kordhiso muddada taageeradeeda dhaqaale ee ay siiso Soomaaliya.

Taageerada maaliyaddeed ee IMF oo soo socotay saddexdii sano ee ugu dambeysay, taas oo ahayd $400m, ayaa loo qorsheeyay inay si toos ah u dhacayso 17-ka May haddii ayna Soomaaliya helin dowlad cusub.

Todobaadkii hore, ayaa guddiga sare ee IMF-ta waxa ay aqbaleen codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah lagu kordhiyo illaa 17ka August, si loogu taageero madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud, wakhti ay dowladdiisu ku sii dhaqaajiso isbedellada la qorsheeyay.

“Muddo kordhintu waxay bixin doontaa wakhtiga loo baahan yahay si loo xaqiijiyo isfahamka dawladda cusub iyo xaqiijinta dammaanad qaadka maalgelinta ee la-hawlgalayaasha horumarinta,” ayay tidhi Laura Jaramillo, oo madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dad badan ay rajeynayaan in ay soo afjari doonto xiisadda siyaasadeed ee muddada dheer soo jirtay.