Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Dab Halakeeyey Suuqa Banaadir ee Muqdisho

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ayaa ka hadlay Dab Xalay ka kacay Suuq ku yaalla Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid xooggan, ayaa socday dhowr saacadood oo xidhiidh ah, waxaanu baabba’shay goobo ganacsi oo kala duwan. Haseyeeshee, waqti dambe ayaa lagu guuleystay damintiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dabkaas khasaaraha hantiyadeed iyo dhaawacyada fudud geystay, ayaa sheegay inuu  dhibka la wadaagayo ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda uga gubatay dabka xalay ka kacay goobaha ganacsi ee ku yaalla Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

“Waxaaan xannuunka iyo dhibka la Wadaagaya ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow. Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa. ” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in musiibada dabka ay ka mid waxyaabaha loo baahan yahay maareyntooda, islamarkaana waqtiga ugu dhaw xalkeeda la gaadhi doono.

Dabkan geystay khasaaraha hantiyadeed ee illaa hadda aanan si rasmi ah loo shaacinin waxaa hore uga hadlay Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Masuuliyiin kale iyo Siyaasiyiin.