Wararkii u dambeeyey ee Khasaaraha Dab Xalay ka Kacay Suuqa Banaadir ee Muqdisho

Muqdisho (aftahannews):- Dab waqti socday oo xalay qabsaday Suuqa Banaadir ee magaalada Muqdisho, ayaa xalay goor dambe lagu guuleystay deminta dabkaas xooggan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kasoo geystay khasaare badan, ganacsi badanna baabbi’iyey.

Dabka oo mudo dhowr saacadood ah socday ayaa si weyn ugu faafay goobaha ganacsiga ee ku yaala Isgoyska Banaadir, walow dadaalo badan oo ay sameyeen shaqaalaha gurmadka deg dega ah ay u suurta gashay iney damiyaan dabka.

Dab damis kala duwan iyo ciidamada amaanka oo gaaray goobta oo dabka kacay oo inta badan ay ku yaalaan xarrumo ganacsi oo u badan Dukaano, Carwooyin iyo Makiinado lagu shiido Saliid Macsarada.

Cabdiqani Dhaloole oo ah agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in dabka uu sababay dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara” ayuu yiri Cabdiqani Dhaloole

Xaawo Axmed waxay ka mid aheyd dadka ganacsiga ku lahaa suuqa gubtay waxayna sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday.

“Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo uga nimid , waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa bislaatay” ayay tiri Xaawo Axmed.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka kacay, hayeeshee shaqaalaha gurmadka deg dega iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan baaxadda khasaaraha ka dhashay dabka iyo waxa sababay, islamarkaana dib ay kasoo sheegi doonaan.