Faysal Cali Waraabe: “Madaxweyne Biixi Somaliland isaga u gaar ah buu samaystay, taasna..”

Hargeysa (aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa si wayn uga biyo diiday furista Ururrada Siyaasadda, waxaanu sheegay in furistoodu ay baabbi’inayso Xisbiyada mucaaradka ee hadda jira.

Faysal Cali Waraabe, ayaa taageerayaasha mucaaradka kala hadlayay fagaara, ay ugu dabaaldegayeen munaasibadda 31-guurada Xorriyadda Somaliland ee 18-ka May, ayaa sheegay in ka Mucaarad ahaan aanay marnaba aqbalayn furista Ururrada Siyaasadda.

“Maantana waxay keeneen in ay yidhaahdaan waan idin baabbi’inaynaa oo Ururro yar yar, ayaannu soo saaranaynaa, maynu ka yeelnaa, doorashada la sasabi maayo, Ina Biixi miyaannu sasabnaa waryaadaheen? Miyaannu ka baqayna walaalayaal, waar waad qabanaysa hadii kale waad iska tagaysa”. ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa ku andacooday in Madaxweyne Biixi uu baadhis aan haboonayn galiyay guddida doorashooyinka, isla markaana uu qaar kamid ah guddida u sheegay in ay is casilaan.

“Koomiishankeeni ayuu baadhis galiyay, ma koomiishan la yidhaa hebalow iscasil ayaad aragtay, ma waxad aragtay wasiir hebalow xisbi ayaan kuu soo saarayaaye iscasil, Muuse Biixi wuxuu samaystay Somaliland gaar ahe xuduudeeda ha inoo soo sheego” ayuu yidhi Faysal.

Xisbiyadda mucaaradka Somaliland, ayaa kasoo horjeeda qorshe ay xukuumadu ku doonayso in ay doorashada urrurada ku qabato doorashada madaxweynaha kahor.