Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay inuu Ixtiraamayo Xisbiyada Mucaaradka ah

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayay munaasibad lagu xusayay 18 May oo lagu qabtay madaxtooyada, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu soo afjaro khilaafka kala fogeeyay Xukuumaddiisa iyo Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani.

Madaxweyne Biixi oo ka jawaabayay soo jeedin uga timid Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaalif Axmed oo madaxweynaha kula taliyay in uu u guntado xalinta khilaafaadka, iyo sixida waxa qaldan, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu sameeyo si kasta oo wax ku hagaagayaan.

“Qaranku wixii uu ku wanaagsanaanayo oo dhan ayaan ka shaqaynayaa, talada qofkii ii baahaniba wuu i helayaa, Xisbiyada Qarankana waan ixtiraamaynaa, walaalayaaloow shaydaanka iska naara ayaannu leenahay, waan soo dhawaynaa waxkasta oo wax lagu wanaajinayo”. ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo Axsaabta mucaaradka ah, oo salka ku haya furista urrurada siyaasada oo mucaaradku anay ku niyad samayn, ayaa keenay in mucaaradka iyo xukuumada Biixi ay kala fogaadaan.

Muddo Warbaahinta hadallo xanafleh la isku marinayay ka dib, Madaxwaynaha Somaliland, ayaa 16kii bishan May Hoggaanka Axsaabta Mucaaradka ah u fidiyay gogol, kadib dhex dhexaadin ay sameeyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, waxaana loo ballamay in shirar lagu xallinayo khilaafaadka la yeesho 18 May ka dib.