Daawo: Gobolada Somaliland iyo sida looga xusay 18-ka May

Hargeysa (Aftahannews)- Gobolada waa weyne ee Somaliland, ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay munaasibadda 18-ka May oo ka soo wareegtay 31-guurada maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991-kii.

Waxaa gobolada laga xusay xuska maalinta qaran ee 18-ka May ka mid ah Magaalada Hargeysa, iyada oo kumanaan dhalinyaro, dumar iyo waayeel ahi ay subixii hore ee saaka iskugu soo baxeen fagaarahayaasha loo asteeyay in loogu dabaal dago munaasibadan.

Sidoo kale, magaalooyinka sida weyn looga debaal-degay, ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka Boorama, Berbera, Gabiley, Ceerigaabo, Laacaanood iyo Burco.

Magaalada Hargeysa

Magaalada Boorama

Magaalada Berbera

Magaalada Burco

Magaalada Ceerigaabo

 

Magaalada Laacaanood

Magaalada Gabiley