Rooble oo Madaxweyne Xasan Sheekh kula dardaarmay inuu Somalia ka ilaaliyo Milkiile

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (Aftahannews)- Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay qofkii ugu mudnaa ee loo doortay madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin kara.

Inkastoo eedo loo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh xukunkiisii hore, haddana raysal wasaare Rooble wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in madaxweynuhu haysto khibrad iyo waayo aragnimo uu wax kaga qaban karo xaaladda ay Soomaaliya ku jirto.

“Madaxweyne Xasan Sheikh waxay Soomaali isku raacday inuu yahay oday Soomaali isku hayn kara, adduunkana ku hayn kara. Waa run madaxweyne xasan horuu madaxweyne usoo noqday, eedo badan ayaa jira. Qofka malaa’ig ma ahan, wax waa lagu tuhmi karaa, waa iska dacaayad waana jirtaa. Waxaan aaminsanahay inuu yahay qofka ugu munaasibsan oo dalka loo doortay, tariinkana dhaqaajin kara ” ayuu yidhi raysal wasaare Rooble.

Rooble, wuxuu sheegay Soomaaliya doorasho inuu soo gaadhsiiyo inuu u soo maray dhibaato badan oo ay kamid tahay sida uu sheegay, in dowladda uu katirsanaa ayna raalli ka ahayn shaqada uu qabanayay.

“Waxaan kula talinayaa madaxweyne Xasan Sheikh, “Milkiile dalkaan ka ilaali”. Adaa ka masuul ah. Waxaan kuu sheegayaa Milkiile dalkaan ma iska lahan. Nin ku keensaday malahan. Soomaali ayaa ku dooratay. Waddooyinkii ay Soomaaliya ku duntay waxaa kamid ah milkiile. Go’aanka adiga qaado, iyo raysal wasaarahaaga iyo inta kula shaqeysa,” ayuu yidhi Rooble.

Waxa uu raysal wasaaruhu sheegay ina uu xafiiska joogo ee laga soo magaabay raysal wasaare cusub inuu diyaar u yahay inuu madaxweynaha ku biiriyo wixii talo ah oo Soomaaliya lagu horumarin karo.