Madaxweyne Biixi oo Baaq u Diray Madaxweynaha Soomaaliya, kana Hadlay Qaabkii loo Doortay

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyey xuska munaasibadda 31-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii, ayaa ka hadlay arrimo dhowor ah iyo doorashadii Xasan Sheekh.

Madaxweyne Biixi, ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday qaddiyadda Somaliland, wuxuuna ku eedeeyey Soomaaliya inay weli diidan tahay inay helaan aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha, ayaa xusay Soomaaliya ay aaminsan tahay in Somaliland ay weli tahay gobol iyaga ka mid ah.

“31 sanadood oo aynu kala maqneyn 1991-kii illaa maanta walaaladeyn kama aynaan helin wax garowshiyo ah kama aynaan heli wax gar qaadasho ah waxay isku raacsan yihiin dhammaantood inaanu nahay gobol ka mid ah oo aan xor sheegan karin,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee dhowaan ka dhacday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ee mar labaad xilka loogu doortay Xasan Sheekh.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo inay si nabad ku dhacday doorashadaasi, isla-markaana ay talada isku dhiibeen labada Madaxweyne.

Sidoo kale, wuxuu ugu duceeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

“Madaxweynaha shalay doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada Madaxweyne ee gacanta isku dhiibay aad iyo aadbaan usoo dhoweyneynaa in Ilaahey idin barakeeyo oo sidaas ku wadaan waan idin kuugu soo duceyneynaa.” ayuu mar kale yidhi Madaxweyne Biixi.