Qatar, Imaaraadka iyo Turkigu maxay ka yidhaahdeen doorashada Xasan Sheekh?

Doha (Aftahannews)- Ku-simaha madaxweynaha ahna ra’iisal wasaaraha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed Bin Rashid Al Maktoum, ayaa dhambaal furan oo hambalyo ah u soo diray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM.

Sheikh Mohamed, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u rajeeyay in uu alle ku guuleeyo mas’uuliyadda culus ee ka saaran dalkiisa, maadaama baarlamaanka uu u gartay in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiin kale, oo ka tirsan Imaaradaha, ayaa dhankooda hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha Soomaaliya ee aan weli si rasmi ah ula wareegin Aqalka Soomaaliya looga arrimiyo ee Villa Somalia.

Sidoo kale, Turkiga, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqad ka soo baxday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto taageerada dhinaca amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaa hambalyo ku aadan doorashada madaxweynaha Soomaaliya u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiirka, ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u rajeeyey guul iyo in la xoojiyo xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya iyo horumarka.

Ku-xigeenka Amiirka dalka Qatar Sheekh Abdullah bin Hamad Al-Thani, ayaa dhankiisa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadiisa dhawaan ka dhacday Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.