Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya oo rasmi u shaaciyey inay Aqoonsadeen Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Odayaasha ka tirsan Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ku sugnaa Somaliland, isla markaana maanta iyo caawa shacabka Somaliland kala qaybgalay dabbaal-degga 23-guurada ka soo wareegtay markii Burco lagaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland magaalada Burco 18-kii May 1991-kii, ayaa caawa kaga dhawaaqay inay Gole Dhaqan ahaan si rasmi ah u aqoonsdeen madax-bannaanida Somaliland.

DSC_0199

Waxay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliya ee Somaliland ku sugani Munaasibad caawa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo lagu xusayey 18-ka May, waxay Odayaasha Soomaaliya oo huwan Calanka Somaliland, waxay ka sheegeen Munaasibaddaas inay aqoonsadeen Soomaaliya, isla markaana ay beesha caalamka, Qaramada Midoobay, Ururrada Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Urur-goboleedka IGAD iyo dawladda federaalka Soomaaliya-ba ugu baaqeen inay si rasmi ah u aqoonsato Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo gooni uga istaagay Soomaaliya 18 May 1991-kii.

Waxxay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyia Sheegeen inay Somaliland aad ugu qushuuceen sida ay wax u qabsatay ee nabadgelyada iyo dawladnimada taamka ahi uga hirgaleen dalkeeda, dadkeeduna ugu heellan yihiin horumarka, gooni-isu-taaggooda iyo inay helaan aqoonsi buuxa oo ay dawladdooda Somaliland hesho. Sidaa awgeedna, ay aqoonsadeen Somaliland, loona baahan yahay in caalamka iyo Soomaalilyaba ay halkaas ka sii wadaan aqoonsiga Somaliland.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO waxaan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi ay Maanta Idaacadda VOA Laanteeda Afka Soomaaligu la yeelatay Odayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Hargeysa ee maanta ka qaybgalay Dabbaal-degga 18-ka May ee 23-guurada gooni-isu-taagga Somaliland. Barnaamijka ay caawa Odayaasha Dhaqanku kaga qaybgaleen Madaxtooyada ee ay kaga dhawaaqeen aqoonsiga, isla markaana ay Madaxweynaha Somaliland ku guddoonsiiyeen Calanka Somaliland oo ay ku tilmaameen inay tahay aqoonsiga ay bixiyeen waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa wararkayaga dambe ee saacadaha soo socda ee caawa.

Dhegaysi habboon waraysiga maanta lala yeeshay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.