Ujeeddada safar ay Faysal iyo Cirro ku tageen magaalada Boorama

Boorama (Aftahannews)- Musharraxa madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa saaka u anba-baxay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Labadan hoggaamiye ee Faysal iyo Cirro, ayaa ujeedkooda safarka magaalada Boorama la xidhiidhaa sidii ay uga qayb geli lahaayeen munaasibada xuska maalinta qaran ee Somaliland ee 18 May.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa isna saaka ku ambabaxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Masuuliyiintan, ayaa dabaaldegga 18 May iyo hawlo shaqo u tagaya Burco iyo Boorama.

Xalay ayay ahayd kadib markii Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID, ayaa heshiis rasmi ah ka gaadheen khilaafka xuska 18 May.

Geesta kale, Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa dhowaan waxaa ay ku dhawaaqeen in ay si gaar ah ugu dabaal dagi doonaan munaasibada xuska maalinta qaran ee 18 May.

Xisbiyada mucaaradka, ayaa waxaa ay shaaciyeen in aanay tagi doonin fagaaraha uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi kaga qayb galayo munaasibada xuska maalinta qaran ee 18-ka May.