TPLF oo markale isku diyaarinaysa inay dagaal ku soo qaado Itoobiya

Ciidamada Tigray

Addis Ababa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Aqalka sare ee Itoobiya Agenyahu Teshager oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya, ayaa sheegay in kooxda TPLF ay isku diyaarinayso inay markale ay dagaal ku soo qaado Itoobiya.

Agenyahu Teshager, ayaa sidoo kale xusay in kooxda TPLF oo dagaal mar kale qorshaysay, ay ka dhigan tahay inaanay weli kooxdu ka waantoobin khaladaadkii ay iyagu hore u galeen, islamarkaana ayna dan iyo muraadtoona ka lahayn nolosha shacabka, islamarkaana ay rabaan inay Itoobiya burburto mar haddayna iyagu xukunka qabanayn.

Waxaa kale oo uu Guddoomiyuhu, kooxda TPLF ku eedeeyay inay caruurta yaryar iyo dadka waayeelka ah ee ku dhaqan gudaha Tigray, ku qasbayaan inay  dagaalka galaan, wuxuuna beesha caalamka ka cosaday inay wax ka qabato arrinka ay TPLF caruurta iyo waayeelka ku dagaal galinayso.

Maamulka degaanka Axmaarada, ayaa heegan buuxa galiya laamaha kala duwan ee Amniga gobolka Axmaarada, si haddii ay weeraro soo qaadaan kooxda TPLF la iskaga caabiyo.

Kooxda TPLF, ayaa hore waxay u sheegtay inay dib u bilaabayaan dagaal ka dhan ah dowladda Itoobiya, iyadoo u sababaysay in xabbad joojintii ay labada dhinac ku dhawaaqeen dhawaan ayna wax faa’iido ah u keenin shacabka Tigray, walina wax walba uu sidiisii uun yahay.

Dagaalkii Waqooyiga Itoobiya ka socday ee u dhaxeeyay Dowladda Itoobiya iyo TPLF oo in dhexdii ahayd joogsaday, sababa la xidhiidhay xabad joojin ay labada dhinac isku afgarteen, ayaa haatan u muuqda mid dib uga bilaabmi kara TPLF iyo Dowladda Itoobiya, marka la eego diyaar garowga TPLF iyo jawaabaha ka soo baxaya dowladda Itoobiya.