Muqdisho: Ciidanka ilaalada gaarka ah ee Xarumaha Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u hawl-galay

Muqdisho(Aftahannews):- Ciidammada ilaalada gaarka ah ee Xarumaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ku leeyihiin Muqdisho iyo Shaqaalohooda ka hawlgala Soomaaliya ammaankooda ilaalin doona, ayaa maanta si rasmi ah hawlgalkooda shaqo uga bilaabay Caasimadda waddanka.

images (2)

images (3)

images (1)

Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa guddoomiyay kulan ay si rasmi ah howshooda ugu bilaabayeen Ciidammada Ilaalada Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Xafiisyadeeda Muqdisho, kaasoo ah Boolis laga keelay waddanka Uganda.

Ciidammada ilaalada Qaramada Midoobay waxay ka kooban yihiin 410 Askari oo dowladda Uganda ka socda, waxaana Ciidammadan hoggaaminaya Taliye ka tirsan Taliyeyaasha Ciidanka Uganda, Mas’uuliyaddooduna waxay hoos imaanaysaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM. Iyadoo Ciidammadan uu Saldhiggoodu noqon doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Soo daabulidda Ciidammada ilaalada Qaramada Midoobay waa tallaabo muhiim ah sida aan annaguba u sii wadno baahinta howlgalladeenna aan ku taageerayno dadka Soomaaliyeed. Waxaan aad ugu mahad-celineynaa Uganda oo sii waddo inay gacan ka geysato dhismaha-nabadda- iyo dalka Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Nicholas Kay.

Danjire Kay oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi; “Waxaan u mahad-celineynaa mar kale inta na marti-gelisay, dowladda federaalka Soomaaliya; dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadeenna howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo aan uga mahad-celineyno taageerada ay siiyaan Ciidanka ilaalada Qaramada Midoobay.”

Ciidammadan oo si rasmi ah u billaabay howshooda 15-kii bishan May, waxay ka dhigan tahay ka qayb noqoshadii ugu horreysay abid ay xoogagga Uganda ka qayb noqdaan xarumaha howlgallada Qaramada Midoobay.

“Xukuumadda Uganda waxaa ka go’an inay ku taageerto Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan gaarista nabad waarta.” ayuu yidhi Jen. Charles Angina oo ah taliye  ku-xigeenka ciidamada dhulka Uganda. “Waa innoo sharaf inaan ku biirno qoyska Qaramada Midoobay, waxaan sameeyn doonnaa dedaal xooggan si loo xaqiijiyo awoodda ay Qaramada Midoobay howsheeda uga sii wadan karto Muqdisho iyagoo aan cabsi qabin.”

Abuurista Ciidammadan ilaalinaya Xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku timid soo jeedinta Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, kaddib markii weerarro dhowr ah ay Al-shabaab la beesatay xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.