Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo kulan xaasaasi ah yeeshay

Muqdisho (Aftahannews)- Goordhaweyd waxa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ku soo dhamaaday kulan ay yeesheen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xafiiska baneynaya Maxamed Cabdillahi Farmaajo.

Sida illo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ay sheegeen labada Madaxweyne, ayaa ka wadahadlay sida ugu suurta galsan ay u dhici lahayd xil wareejinta xafiiska Madaxweynaha.

Waxaana la isla gartay in si degdeg ah loo magacaabo Guddi arintaasi ka shaqeeya, oo uu hoggaamin doono Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdillahi Ciise.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo hadda degan hudheel ku dhow garoonka Aden Cabdulle, ayaa la filayaa in todobaadka dambe uu u guuro Villa Soomaaliya, halkaas oo lagu qaban doono munaasabad uu xilka si rasmi ah ugala wareegi doono Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.