Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo farriin u diray Xasan Sheekh

Muqdisho (Aftahannews)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in sida ugu dhakhsaha badan uu ku soo dhisi doono dowladda loo dhan yahay islamarkaana uu maamul goboleedyada kala shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay afahayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobey ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

“Waxaan si dhow maamulka cusub ugala shaqeyn doonaa sidii loo xoojiyo qorshaha dowlad dhisidda iyo wax ka qabashada xaaladaha banii’aadimo” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Qaramada Midoobey.