Madaxweyne Biixi oo Kormeeray Ciidamada Heeganka Ugu Jira Sugida Amniga

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa kormeer ku soo maray ciidamada kala duwan ee heeganka ugu jira sugida amniga guud ee qaranka Somaliland, madaama loo diyaar garoobayo xuska Sannad Guurada 31aad ee 18May 2022 oo saacado koobani inaga xigaan.

Madaxweynuha, ayaa ciidamada kula dardaarmay inay libin-labaan dedaalkooda, feejignaan dheeraadana u lahadaan arrimaha la xidhiidha amiga, goor kasta iyo wakhti kastaba.

Waxaanu sheegay in kormeerkiisu la xidhiidho inuu indhaha ka soo qaado lana qaybsado ciidamada heeganka ugu jira in shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ku dabaaldegaan nabadgelyo, farxad iyo rayn-rayn ay ugu diyaar garoobayaan maalinta inagu qaaliga ah ee 18May oo ah markii aynu dib ula soo noqonay madax-bannaanidii inaga habawday 1960-kii, balse aynu 1991-kii dib ula soo noqonay.