Maxay ka Wadahadleen Madaxwayne Biixi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradku?

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka e Somaliland, ayaa caawa kulan ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Kulankan, ayaa lagaga heshiiyeeyay aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwanaa, waxaana kulankan saddex geesoodka ah la iskula qaatey in si mid ah loo Wada xuso maalinta Qarannimadda Somaliland ee 18-ka May sannad guuradeeda 31-aad oo Arbacada toddobaadkan ku geegan, isla markaana Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo Waddani hore u sheegeen inay gaar u xusayaan.

 Waxaa kale oo kulankan la iskula afgartey in kulan danbe la isugu yimaado, kaas oo laga arrinsanayo doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan oo ay ugu soo horreyso waqti ahaan ta madaxtooyada oo ay tahay in la qabto 13-ka November 2022-ka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ahna Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in laysku afgartay in 18-ka May wadajir loo xuso oo aan mucaaradka gaar u xusin.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay masuuliyiin isugu jira Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna sheegay in guul laga gaadhey kulankan, dhinaca kale, Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiirnimo soo qabtey ayaa kulankan hadalo ku taxaluqa kulanka iyo ahmiyadiisa halkaasi ka jeediyey.

Si kastaba ha ahaatee waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad iyo in meel looga soo wada jeedo Qarannimada Somaliland, isla markaana shirar kale la isugu yimaaddo 18-ka May ka dib, waxaana kulanka ka soo qaybgalay labada Guddoomiye ee labada Xisbi Mucaarad, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye iyo xubno kale.