Somaliland oo soo saartay amaro la xidhiidha xuska 18 May

Wasiir Maxamed Kaahin

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumada Somaliland oo ku guda jirta qaban qaabada munaasibada 18 May, oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay gaar iskaga taagtay Soomaaliyada kale, ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay gaar ugu dabaal dagaan maalintan.

“Hadaba si loo adkeeyo wadajirka, nidnimada iyo daganaanshaha qaranka, waxaa reeban qaban qaabo kasta noocaynto ha ahaatee, oo aan ahayn qaban qaabada ay guddida heer qaran agaasintay” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu ku saxeexanyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-