Abiy Ahmed oo war ka soo saaray doorashadii uu ku soo baxay Xasan Sheekh

Addis Ababa (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa war ka soo saaray doorashadii xasaasiga ahayd ee xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad la doortay.

Abiy, ayaa hambalyo u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afarta sano ee soo socota hoggaamin doono Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Abiy.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray inuu si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xidhidhka labada dal iyo danaha gobolka.

“Waxaan rajaynayaa inaan si dhow uga wada shaqeeynno danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka” ayuu sii raaciyey.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa shantii sano la soo dhaafay saaxib dhow la’ahaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay lagaga adkaaday doorashada Soomaaliya, kaas oo helay 110 cod, halka Xasan Sheekh Maxamuud uu isna ku soo baxay 214 cod.