Biden oo Saxeexay in Ciidamada Mareykanka lagu celiyo Soomaaliya

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

Washington (Aftahannews)- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa saxeexay amar u ogolaanaaya milateriga in ay mar kale boqolaal ka mid ah ciidamada howlgallada gaarka ah fuliya la geeyo Soomaaliya.

Amarkan, ayaa ah mid meesha ka saaraaya go’aankii madaxweynihii hore Mareykanka Donald J. Trump oo lahaa go’aankii Soomaaliya lagaga saaray 700 askari, go’aankaas ayaa dhabar jab ku noqday howlgallada argagixiso la dirirka ee hormuudka ay u ahaayeen ciidamadii Mareykanka ka joogay Soomaaliya.

Madaxweyne Joe Biden, ayaa ogolaaday codsi ka yimid Pentagon-ka oo ku saabsan in la beegsado ku dhawaad ​​12 qof oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, ee xidhiidhka la leh kooxda argagixisada ah ee Al Qaacida, sida ay xaqiijiyeen afar sarkaal oo ka tirsan milateriga Mareykanka.

Tan iyo markii Mr. Biden uu la wareegay xafiiska, duqeymaha cirka, ayaa inta badan ku koobnaa kuwa loogu talagalay in lagu difaaco ciidamada saaxiibada ah ee wajahaya khatar deg dega ah.

Biden, ayaa saxeexay soo jeedinta Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin III horaantii May, sida ay saraakiishu sheegeen. Bayaan ay soo saartay, Adrienne Watson oo ah afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, ayaa lagu cadeeyey tallaabadaas, iyadoo sheegtay in ay suuragelin doonto “dagaal wax ku ool ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.”

Isku soo wada duuboo, go’aamada uu soo saaray Madaxweyne Biden, ee saraakiishu ay ku sifeeyeen shuruudo aan la magacaabin, ayaa dib u soo noolayn doona hawlgal furan oo Mareykan hormuud u yahay, kaasoo lagu bartilmaameedsan doono kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ka dagaalama.

Tallaabadan, ayaa ka duwan go’aankii uu sanadkii hore ciidamada Mareykanka uga saaray Afgaanistaan, iyadoo la joogo wahtigii la soo afjari lahaa dagaalka lagula jiro Argagixisada.