Farmaajo iyo Xasan Sheikh oo isugu soo hadhay wareegga ugu dambeeya ee doorashada

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa goordhawayd soo idlaatay tirinta wareegga labaad ee codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo gudbayo wareegga 3-aad.

Wareegan waxaa soo gaadhay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Khayre.

Wareegan waxaa ka soo gudbay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay kala heleen codadkan, Xasan Sheekh oo helay 110-cod, halka uu Farmaajo helay 83-cod.

Wareegan labaad waxaa ku hadhay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 67-cod iyo Xasan Cali Khayre oo helay 63-cod.

Waxaa goordhow bilaabmaysa codaynta wareegga 3-aad oo ay isugu soo hadheen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, kuwaas oo codeeyey.