Cali Xaamud oo diiday ka mid noqoshadda Guddi Mucaaradku magacaabeen

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa ganafka ku dhuftay guddi ay ku dareen xisbiyadda mucaaradku.

Waxaanu diiday ka mid noqashada guddi ay labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI u magacaabeen qaban qaabada munaasibad gaar ah oo ay sheegeen inay ku xusi doonaan maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland 18-ka May.

Kadib markii guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaradku qaadaceen ka qaybgalka xafladda weyn ee dabbaal degga 18-ka May oo lagu qaban doono jidka wadnaha ee caasimadda Hargeysa.

Cali Xaamud Jibriil, oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland ugu jira xisbiga UCID oo uu ka soo baxay laga na soo doortay gobolka Awdal, ayaa ka cudur-daartay ka mid noqoshadda guddidaasi ay mucaaradku magacaabeen.

Guddoomiye ku-xigeenka oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inuu haatan ku fadhiyo mansab qaran, waajib na ka saaran yahay inuu ummadda isku soo jiido.
Balse aannu ahayn nin dadka is Khilaafsan kala raaca, isla markaana aan lagu soo wargelin in lagu darayo guddigaasi.

“18-ka May, waa maalin qaran, anigu na waxaan ahay nin qaran,” ayuu yidhi guddoomiye Cali Xaamud Jibriil.

Geesta kale, guddigan uu Cali Xaamud, ka cudur daartay ka mid noqoshadeedda oo ay shalay magacaabeen mucaaradku ayay ku sheegeen mid soo qaban qaabisa xaflad lagu xusayo 18-ka May oo ay gaar u qabsanayaan.

Iyagoona diiday in ay xukuumadda oyo madaxweynaha kala qayb galaan munaasibadda qaran ee xuskaasi.