Xildhibaan Laab-saalax oo hal arrin ku dhaliilay Golaha Wakiillada

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa sheegay in aanay qaban hawshii loo doortay mudaneyaasha golaha Wakiilladu.

Xildhibaan Laab-saalax, oo ka mida golaha Wakiiladda Somaliland waxa uu tilmaamay in ay gabeen doorka ay ku leeyihiin xalinta khilaafyada siyaasiga ah ee dalka ka taagan.

Xildhibaan Laab-saalax, oo hadal ka jeediyay fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda waxa uu xusay in gole ahaan aanay wax door ah ka qaadan xalinta arrimaha khilaafyadda siyaasadeed.

Taasoo uu ku tilmaamay in ay gole ahaan nasiib darro weyn ku tahay.

Waxaanu yidhi “Mudanayaal golaheenu mucaarid na wax ba uguma fil na, muxaafid na wax ba uguma fil na, ummada na wax ba uguma fil na. Maxaynu runta isku diidsiinaynaa? wixii la inoo doortay kama shaqaynee”.

Xildhibaanka ayaa intaas raaciyay xildhibaan Laab-saalax, in odayaal wax garad ahaa oo marka xaaladuhu adkaadaan dadka kala saari jiray ay dhinteen.

Sidaas darteed iyaga ka gole ahaan ay masuiyadi ka saaran tahay in ay noqdaan kuwii bedeli lahaa raggii wax xalin jiray.

“Ogaada khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira na qayb ayaynu ka nahay. Oday hebel iyo oday hebel ayaa dadka kala qaban jiray oo dhintay, waydinkan ku soo cel-celinayee inagu mudanayaal miyaynaan wax ba kala qaban karin,? ilayn nin maqan tabistii waa nin jooga ceebtiiye” ayuu yidhi xildhibaan Laab-saalax.