Qalbi Dhagax oo ka Warramay Xilligii Ethiopia loo dhiibayay

Muqdisho (Aftahannews)- Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan oo ololeyaasha doorashada ee socda awgood ay u hadal hayaan warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshadaba Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax oo hore u ahaa sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF.

Cabdikariin, ayaa sanadkii 2018-kii waxaa dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay xukmaddii Ethiopia.

Qalbi Dhagax, ayaa waxa uu ka warramay dareenkiisa ku aadan shan sano ka hor xilligii Ethiopia loo dhiibayay iyo sida maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho.