TOOS: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Teendhada Afiysoone ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hada si rasmi ah uga bilaabmatay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyada oo halkaas ay ku sugan yihiin qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal.

Sidoo kale, musharaxiinta u taagan xilka madaxweyne iyo xubnaha guddiga qaban-qaabada doorashada ee labada Gole, ayaa ku sugan hoolka, iyaga oo kala qaabeynaya howlaha socda ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta, ayaa bixinaya lacag u dhaxeysa 30 illaa 50 kun, iyada oo ay ku xidhan tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale ku soo biiriyo.

Villa Somalia, ayaa la filayaa in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah.