Md. Saylici oo Reer Boorama kala qaybgalay wacdaro ay ka muujiyeen Xuska 18-ka May

Boorama(Aftahannews):- Madaxxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Shacabka ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ah magaaladii lagu soo dhisay dawladdii labaad ee Somaliland yeelato kagala qaybgalay dabbaal-degga 23-guurada gooni-isu-taagga Somaliland ka soo wareegtay markii magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay 18 May 1991-kii oo maanta si weyn dalka Somaliland looga xusay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Masuuliyiin kala duwan oo Xukuumadda iyo Golayaasha Baarlamaanka ka tirsan, Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, ayaa dadweynaha kala hadlay fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama, ka dib markii ay socod ku mareen kumannaan reer Boorama ah oo ku labbisnaa Astaanta calanka Somaliland, kuwaasoo socodkooda ka dib isugu biyo-shubtay fagaaraha Khayriyada magaalada oo ay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Masuuliyiinta kale hadallo uga jeediyeen.

Haddaba, sidii magaalada Boorama looga dabbaal-degay 18-ka May iyo hadalladii ay Masuuliyiintu halkaas uga jeediyeen dadweynaha ka daawo halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.