Yuusuf Garaad oo ka digay arrin ka dhici karta Doorashada Soomaaliya

Yuusuf Garaad

Muqdisho (Aftahannews)- Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan doorashada beri ka dhaceysa Afisyoone.

Yuusuf Garaad oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa farriin u diray xildhibaanada isagoo ugu baaqay inaanay ka shaqeyn danta qof kale.

“Baarlamaanku ha ka feejignaado “Murashax” aan ujeeddadiisu ahayn in isaga la doorto,” ayuu yidhi Yuusuf Garaad Cumar oo qoraal soo dhigay Facebook.

Wuxuu intaas ku sii daray “Keliya wuxuu meesha u soo istaagi doonaa in la siiyo mikrafoonka, si uu toos ama tilmaan uu Xildhibaannada uga codsado in ay diidaan murashax uu isagu diiddan yahay, doortaanna mid kale oo uu isagu doonayo.Hore ayay u dhacday. Aan wax ka baranno.”

Hadalka Yuusuf Garaad, ayaa ku soo beegmaya, xilli musharixiin badan oo isku diiwaan geliyey tartanka madaxweynimo ee Soomaaliya ay rajeenayaan in loo ogolaado inay xildhibaanada la hadlaan inta ayna bilaabmin doorashada kadibna ay shaaciyaan inay is casileen sida dhacday doorashooyinkii hore.

Guddiga doorashada madaxweynaha ee Labada Aqal, ayaa la filayaa inay illaa caawa soo saaraan jadwalka doorashada Berri iyo dadka khudbadaha la siin doono, inkastoo uu khilaaf ka taagan yahay arrintaas.

Qaar ka mid ah musharixiinta, ayaa ku talinaya in khudbad la siiyo kaliya qofka Aayadaha Qur’aanka ku furayo kulanka Baarlamaanka kadib si toos ah loo galo doorashada oo aan qof kale loo ogolaan inuu xildhibaanada la hadlayo si uu ugu leexiyo jiho kale.