Guddoonka Baarlamanka Soomaaliya oo kulan la yeeshay ATMIS (Sawirro)

Muqdisho (Aftahannews)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa waxa ay kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen Gudigga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa saraakiisha faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashada ay ku dhacdo si nabadoon.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15-ka May 2022 oo ay innaga xigto wax ka yar 48 saacadood, taas oo ka dhici doonta Teendhada ciidanka Cirka ee Afisyooni.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku sugan inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya kuwaas oo doonayo inay qeyb ka noqdaan hoggaamiyaha cusub ee loo dooran doono Soomaaliya.

Waxaa is diiwaan geliyey illaa 39 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo ay jiraan musharixiin qaar oo la sheegay inay tanaasuleen.