Xukuumadda Somaliland maxay ka tidhi Mudaharaadyadii uu Cirro ku baaqay?

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabay mudaharaadyadii uu balan qaaday musharaxa xisbiga Waddani, ayaa sheegay in xukuumadu dalka ku hogaaminayso nabadgalyo.

Kaahin ayaa sheegay in nabada Somaliland lagu dhaliyay qori caaradii, taasina ay sababtay in Cirro uu yeesho hami madaxweyne-nimo.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada Somaliland, ay nabad ku hogaaminayso shacabka, isla markaana ay dhalinyarada Somaliland wada walaalo yihiin.

Waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland anay shacabka qixin doonin, isla markaana aanu Cabdiraxmaan Cirro cidna qixin karin.

Madaxda sare ee xisbiga Waddani, ayaa kulan ay la yeesheen qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Hargaysa Jimcihii, kula balamay in ay banaanbaxyo sameeyaan hadii doorashadu dhici waydo 13, November, 2022.