Madaxweyne Biixi oo Eedaymo u jeediyay dadka reer Somaliland ee u tartamaya doorashada Somalia

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu ka hadlay doorashadda madaxweynenimo ee Soomaaliya iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ka qayb qaadanaya doorashadaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu caqli-xumo ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ka qayb-qaataan doorashooyinka Soomaaliya.

Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabiyeen arday baratay waddaniyadda, waxa uu sheegay inay siyaasiinta Soomaaliya oo ku kacay gefaf ka dhan ah Somaliland ay haddana dadka u dhashay Somaliland xilal iyo shaqo u doontaan Muqdisho.

“Waxay nacasnimo haysataa dadka Somaliland u dhashay ee halkan magac ku lahaa, ee qaarkood jaamacadan wax ka aas aaseen ee abaabayaashood magac iyo taariikh halkan ku lahaayeen, ee intay tageen Xamar yidhi waxaanu matalayna Somaliland oo baarlamaanka ayaanu doonayna oo waanu codaynayna” ayuu yidhi Biixi.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in dadka waxgaradka ah ee reer Muqdisho ay ogsoonyihiin, in dadka Somaliland ka soo jeeda ee doorashooyinkaa ka qayb galaya aanay cidna metelin.

“Xamar intaaso caalim ayaa joogta oo diinta ayaa la akhriyaya oo xadiiska ayaa la akhriyayaa, intaasa wanaaga la is farayaa oo aqoon la leeyahay, hadana ka dhaariyay, ka dooranaya iyo ka uu codka siinayaaba waxay ogyihiin in ninka Somaliland ka taga ee baarlamaanka galayaa aanu cidna matalin.”

“Ninka kaa doortay ee damiirkiisu siiyay iyo ninka ogolaaday ee doonaya in uu masiirkiisa ka taliyaa, horta waa dameer iyo labadiisii daan oo waxba isma dhaamaan, dhibaatada kasoo gaadhana anaga nooma eersadaan oo Somaliland ayaa wax na yeeshay ma yidhaahdaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.