Somaliland: Xukuumadda oo War ka Soo Saartay Shakiga Mucaaradku ka Muujiyay Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay war ka soo saartay shakiga ay xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Waddani ka Muujiyeen Qabsoomidda Doorashada madaxtooyada.

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in xukuumaddu ay doorashada madaxtooyada wakhtigeeda ku qabanayso.

”Hadalkaa ka soo baxay xisbiyada mucaaradka waxaanu qabnaa in aanu jirin, markasta xukuumaddu waxay qabtaa oo ay riixaysaa in doorashadu wakhtigeedii qabsoonto”ayuu yidhi Wasiir Koore.

Wasiir Koore, oo sidoo kale ka hadlay guddida uu madaxweynuhu u saaray khilaafka maamul ee soo kala dhexgalay xubnaha guddida doorashooyinka, ayaa waxa uu sheegay in sharcigu uu madaxweynaha awood u siiyay in uu guddi u saari karo haddii khilaaf soo kala dhexgalo xubnaha guddida.

Shalay, ayayna ahayd markii Musharixiinta madaxweynaha ee xisbiyada Ucid iyo Waddani ay ku eedeeyeen madaxweyne Muuse Biixi Biixi in aanu diyaar u ahayn in uu qabto doorashooyinka mudaysan dabayaaqada sannadkan, islamarkaana uu doonayo in doorashadadu dib u dhacdo si uu u helo muddo korodhsi.

Waxaana ay sheegeen in kolka la gaadho 13 November haddii aanay doorasho dhicin ayna madaxweyne u aqoonsan doonin madaxweyne Muuse.