Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Faah-faahino dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya qarax ismidaamin ah oo ka dhacay bar kaantarool oo lagu hubiyo gaadiidka u gudba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan, ayaa waxaa ku geeriyootay inta la xaqiijiyay 3 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Askar ka tirsan Ciidanka dowaldda Soomaaliya.

Al-shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda warkan, iyagoo sheegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ku sii jeeday Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxay sheegeen Al-shabaab in weerarkan uu ahaa weerar ismiidaamin ah oo ay ku soo beegeen xilli ciidanka ATMIS lagu wareejiyay Afisyooni iyo hareeraheeda, ammaankana si aad ah loo adkeeyay.

Laamaha ammaanka Soomaaliya, ayaan weli ka hadlin qaraxan, xilli xalay war ka soo baxay guddoonka barlamaanka Soomaaliya lagu faray laamaha amniga ee dowladda inay ka hor tagaan weerar kasta oo Al-shabab qorsheynayaan inay ka geystaan magaalada Muqdisho gudaheeda.