Ciidamada Israel oo Toogasho ku Dilay Weriye ka tirsan Aljazeera

Gaza (Aftahannews)- Suxufiyad Shireen Abu Akleh oo  ka tirsanayd Telefishanka Aljazeera, ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka laga leeyahay Qadar, balse milateriga, ayaa sheegay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyin ah oo ay isku dhaceen ciidankeeda.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta, ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii la soo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin, ayaa xaqiijisay geerida Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

War qoraal ah oo uu soo saaray milaterigaIsraa’iil, ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay “rasaas xoog leh” kala kulmeen Jenin, waxayna intaas ku dareen ‘inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen falastiiniyiintu’, laakiin hadda uu socdo baadhitaanka dhacdan.