TOOS: Hadal Jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa hada Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho toos uga bilaabatay hadal-jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Khudbadaha musharxiinta, ayaa waxaa si wadajir ah u dhageysanayaa xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan Teendhada Afisyoone.

Musharixiinta hadal-jeedinta sameynaya, ayaa gaadhaya illaa 20 musharrax, waxaana la siiyay min 15 daqiiqo, si ay uga hadlaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada, ayaa si weyn loo adkeeyay, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socoto doorashadu.

Sidoo kale, qaybta labaad ee hadal jeedinta, ayaa dhacayso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinaya madaxdii hore ee Soomaaliya oo uu ku jiro Farmaajo.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo loolan adag loo gali doono, ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishan May ee 2022-ka.