Somalia: Diiwaan Gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha oo la soo gaba-gabeeyay

Muqdisho (Aftahannews)- Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Galabta soo gabagabeeyay diiwaan gelinta Musharaxiinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya oo socotay sadaxdii maalmood ee la soo dhaafay.

Maanta oo aheyd maalintii sadaxaad ee diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaa is diiwaan galiyay 7 Musharax oo kala ah Siciid Cabdullaahi Dani, Maxamed Cabdiraxmaan Cali, Taabit Cabdi Maxamed, Cabdi Cali Xasan, Cismaan Xasan Wehliye, (Xasan Bariise), Zakariye Xaaji Maxamuud iyo Maxamed Amiin Faarax.

Guddiga, doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa diiwaan geliyay mudada sadaxda maalmood ah ee diiwaan gelintu ay socotay 39 Musharax oo isku soo taagay tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood qaatay shahaadada musharaxnimo, kadib markii ay buuxiyeen sharuudahii looga baahnaa.

Musharaxiinta is diiwaan galisay waxaa ka mid ah madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo, madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, Raysal wasaareyaal hore, siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale oo ku cusub saaxada siyaasada Soomaaliya.

Guddiga doorashada madaxweynaha, ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada 20 Musharax ee maalinta berito ah khudbadahooda ka horjeedin doona labada Gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, waxaana Musharax walba loo qorsheeyay inuu khudbadiisa ku soo koobo mudo 15- daqiiqo ah.

Hoos ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta la shaaciyay