Musharrax Cirro: “13 November Madaxtinimada Muuse Biixi ma Aqoonsani”

Hargeysa (Aftahannews)- Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu diyaar u ahayn in uu qabto doorashooyinka mudaysan dabayaaqada sannadkan.

Cirro waxa uu sheegay in qudbad sannadeedkii uu madaxweyne Biixi shalay u jeediyay labada gole baarlamaan anay muujinayn in madaxweynuhu uu diyaar u yahay qabashada doorashooyinka sannadkan mudaysan.

Waxa uu sheegay inay Somaliland qaaday jidkii kalidii-talisnimada, waxaanu taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan talaabooyin uu sheegay in dib loogu soo celinayo dimuquraadiyada Somaliland.