Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo Kalsoonida helay markii Cod loo qaaday xil-ka qaadistiisa

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre, ayaa maanta Codka Kalsoonida ka helay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii maanta mooshin la rabay in xilka lagaga qaado oo la hor-keenay Baarlamaanka cod loo qaaday.

Wasiirka_A_G_Goodax_Barre

Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay mooshinka laga keenay wasiirka oo markii dambe cod u qaaday, isagoo sheegay inuu saxayo khaladaadyadii sababay in mooshinkan laga keeno.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre, ayaa waxaa codka kalsoonida siiyay si uu howshiisa u sii wato 115 oo ka mid ahaa 144 xildhibaan oo hoolka ku sugnaa, iyadoo 18 ka mid xildhibaannada ay diideen codka kalsoonida, 11 kalena ay codeynta ka aamuseen.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay inuu sii wadan karo wasiirka howshiisa shaqo ee xukuumaddu u idmatay, iyadoo Goodax uu noqonayo wasiirkii ugu horreeyay oo ay xildhibaannadu ay mooshin ka keenaan.

“Waxaan xildhibaannada uga mahadcelinayaa kalsoonida ay i siiyeen,waxaana halkan ka caddeynayaa inaan sixi doono qaladaadkii sababay in mooshinka la iga keeno,” ayuu yiri wasiirka codeynta kaddib, isagoo xilligaas qoslayay.

Mooshinkan ayaa waxaa baarlamaanka hordhigay 65 xildhibaan, iyadoo tani ay u muuqatay in xildhibaannada badankood ay ka tanaasuleen inay codka u diidaan wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka.

Dhinaca kale, waxaa jira xildhibaanno kale oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah wasiirka amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana uu mooshinkan daba socdaa midka uu maanta ka badbaaday wasiirka amniga Qaranka.

Aftahannews.com,

Muqdisho/Soomaaliya/Office.