Ujeeddada Shir Guddiga Fulinta KULMIYE Yeeshay oo Madaxweyne Biixi uu Guddoomiyay

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirguddoomiyey kulan ballaadhan oo ay maanta yeesheen guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida fulintu, xubnaha guddida iyo guud ahaanba saraakiisha KULMIYE ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay hawlaha xisbiga u wadaan, isaga oo hogo-tusaaleeyey hawlaha u yaalla iyo sida loogu baahan yahay in la dardargeliyo arrimaha xisbiga.

May be an image of 12 people, people standing and indoor

Ajendeyaasha shirka guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa markii ay soo dhammaatay waxa faahfaahiyey wasiirka arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu sharraxay qodobbada shirka diiradda lagu saaray, waxana uu yidhi,“shirku waxa uu yahay fadhiyadii caadiga ahaa ee guddiga fulinta ee xisbiga, waxyaabihii lagaga hadlayna waxa kamid ah in laga arrinsanayey sidii uu xisbigu isugu iman lahaa ee 20-guuradiisa ugu debbaal degi lahaa 22-ka bishan May oo uu labaatan jirsanayo.”

May be an image of 12 people, people sitting, people standing and indoor

Waxyaabaha kale ee shirka lagaga hadlay waxa kamid ahaa sidii uu xisbigu ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka ururrada iyo axsaabta ee dalka kusoo foolka leh iyo hawlaha caadiga ah ee xisbigu leeyahay, “Waxa kale oo uu xisbigu ka hadlayey sidii loogu diyaargaroobi lahaa arrimaha caadiga ah ee xisbiga, dib u habayntooda, dardargelintooda iyo dib u eegista qorsheyaasha xisbiga iyo qaab-dhismeedkiisa, waxa kale oo xisbigu u diyaargaroobayey sidii xisbigu ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka ururrada iyo xisbiyada dalka oo foodda inagu soo haysa,”ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

May be an image of 5 people and people standing

Shirka guddida fulinta ee xisbigu saaka yeeshay waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu shirar la yeeshay garabbada haweenka ee xisbiga oo ku sugnaa xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE.