Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- War-saxaafadeed ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay soo dhowaynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15-ka May 2022.

“Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaadhay diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin wakhtiga kama dambeysta ah ee doorashada,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka beesha caalamka.

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaanay jirin sabab kale oo ay dib ugu dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

“Ma jirto wax marmarsiiyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

“Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha Soomaaliya iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh.”

War-saxaafadeedka saaxiibada beesha caalamka ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Guddiga doorashada Soomaaliya ee madaxweynaha u qaabilsan baarlamanka, ayaa labadii maalmood ee tegay diiwaan-geliyey in ka badan 32 musharax oo xilka u tartamaya.

Musharaxiinta, ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweyneyaal hore Shariif Shekeh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisal wasaare hore, madaxweyne goboleedyo, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa Axadda waxay ka dhacaysa Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.