Madaxweyne Biixi oo Magacaabay Guddi Baadhaysa Tuhuno Musuq-maasuq oo Hadheeyay Komishanka Doorashooyinka

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-859/052022 uu ku magacaabay Guddi-baadhiseed oo madax-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Wareegtada uu Madaxweyne Muuse Biixi maanta ku magacaabay guddidan baadhiseed oo soo gaadhay Shabakada Aftahannews, ayaa u dhignayd sidan:-

Wareegto Madaxweyne.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 13aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;

Markaan Arkay:  Qoraalka Summaddiisu tahay KDQ/XK/008/2022, kuna Taariikhaysan 25/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Codsi Guddi- Badhiseed;

Markaan Arkay: Qoraalka Summaddiisu tahay GDQ/XK/009/2022 kuna taariikhaysan 27/04/2022, ujeeddadiisuna tahay Is-beddel lagu sameeyay Hoggaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Markaan Arkay:   War-bixinta summaddeedu tahay Ref: HAN/GQ/05/62/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, ujeeddadeeduna tahay soo  gudbin war-bixin baadhiseed;

Markaan Arkay:   War-bixinta summaddeedu tahay XGD/WM/02/08/191/2022, kuna taariikhaysan 05/05/2022, kana soo baxday Xafiiska Xisaabiyaha Guud, ujeeddadeeduna tahay war-bixinta xisaab – xidhka Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Markaan Arkay:   Muhiimadda uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku u  leeyahay hannaanka dimoqraadiyadeed ee Dalka iyo hir-gelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah;

Markaan Arkay: Khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee soo kala dhex galay xubnaha Komishanka uu caqabad ku noqon karo xil-gudashada waajibaadka iyo hawlaha shaqo ee Komishanka

 Doorashooyinka Qaranka;

Markaan Helay: Talo-bixinta sharci ee Garyaqaanka Guud iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka;

Waxaan Go’aamiyay;

1) In aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Guddi-baadhiseed madaxa-bannaan oo ka soo war-bixisa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, si waafaqsan Qodobka 15aad, Faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha; Xeer Lr: 91/2020;

  1. Maxamed Jaamac Cabdi Guddoomiye
  2. Farxaan Maxamed Cali Xubin
  3. Siciid Xasan Habbane Xubin
  4. Axmed Saleebaan Jaamac Xubin
  5. Bashiir Cabdi Xariir Xubin

2) Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin:

Nidaamka Maamulka iyo Maaliyadda ee  Xubnaha Komsihanka.

Nidaamka Iibka iyo Qandaraasyada Adeegyada iyo Agabka Komishanka.

Nidaamka Maamulka iyo Diiwaan-gelinta Hantida raagta ee Komishanka.

No photo description available.No photo description available.