Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Soomaaliya oo iskaga hadhay Tartanka Doorashada

Muqdisho (Aftahannews)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo soo saaray qoraal kooban, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdirisaaq, ayaa qoraal uu soo dhigay bogiisa baraha bulshada ku sheegay inuu go’aansaday inuu isaga hadho doorashada, isaga oo tilmaamay in aanu haysan wixii u suurto galin lahaa inuu guuleysto.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku goday in ololihiisa uu la xidhiidhay inuu toos ula hadlo shacabka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in qaabka dadban ay liddi ku tahay hamigiisa siyaasadeed.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in lacagaha faraha badan ee ku xeeran doorashada ay ka hor imanayaan danaha shacabka Soomaaliya.

“Aqbalaadda lacagaha ololaha ee ka hor imanaya danta mustaqbalka fog ee shacabka Soomaaliyeed waxay khiyaamaysaa wax walba oo aan u hayo, balse waxaa ka sii muhiimsan, hooyooyinka, aabbayaasha, iyo dhallinyarada sida dhiirigelinta leh ee iigu garab istaagay ololihii aan ku jiray,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Maxamed Cabdirisaaq.

Go’aanka Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya, iyada oo maanta ay ku eegtahay diiwaan-gelinta doorashada madaxweynaha cusub oo ay isku diiwaan-geliyeen illaa 32 musharrax.

Doorashada Soomaaliya, ayaa waxaa lagu wadaa in la dhamaystiro maalmaha soo socda, waxaana ay ta madaxweynahu ay dhacaysaa 15-ka bishan May ee sanadkan 2022-ka.