Wakhtiga ay xidhmayso Diiwaan Gelinta Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay

Muqdisho (Aftahannews)- Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in diiwaan galinta musharraxiinta madaxweynaha ay ku egtahay maanta oo salaaso ah, gaar ahaan afarta galabnimo.

Guddiga doorashada, ayaa sheegay musharraxii aan maanta isdiiwaan galin inaanay helidoonin fursad dambe oo lagu diiwaan galiyo si ay uga qayb galaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

32 musharrax, ayaa iska diiwaan galiyay guddiga doorashada, kuwaas oo maanta laga sugayo inay gudbiyaan barnaamijkooda siyasadeed ee doorashada.

Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kamid ah musharrixiintii ugu dambeeyay ee shalay isdiiwaan galiyay, isagoo mar kale doonaya inuu Soomaaliya sii hoggaamiyo.