Mareykanka oo Dacwad ku soo oogay Senator loo haysto Dilka Madaxweynihii Haiti

Washington (Aftahannews)- Masuuliyiinta dalka Mareykanka, ayaa dacwad ku soo oogay Senator hore oo u dhashay dalka Haiti kaas oo loo haysto inuu ku lug lahaa shirqoolkii lagu dilay madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise, oo la dilay bishii July ee sannadkii hore ee 2021.

Waa qofkii saddexaad ee ay Waaxda Cadaaladda ee Mareykanku ay dacwad ku soo oogtay, iyada oo weli la wado baadhitaanka dilkii madaxweynihii hore ee Haiti.

Maalmo ka dib dilkii madaxweyne Moise, waxaa booliska dalka Haiti ay sheegeen in John Joel Joseph uu ka mid yahay dadka loo tuhmayo dilka madaxweynaha, hase ahaatee wuxuu dalkaas kaga baxsaday doon, waxaase ugu dambayn gacanta ku dhigay laamaha ammaanka ee dalka Jamaica, iyaga oo ku eedeeyey inuu si sharci darro ah dalkooda ku soo galay, waxayna u gacan geliyeen masuuliyiinta dalka Mareykanka.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay waaxda caddaaladda ee Mareykanka, Joseph ayaa wajahaya eedeymo ah inuu maleegay dil ama afduub laga geysto meel ka baxsan Mareykanka iyo in taageero uu bixiyey ay sababtay dhimasho.

Dacwad oogayaasha Mareykanka, ayaa sheegay in shirqoolka uu qaybta ka ahaa, markii hore la qorsheeyey in lagu afduubo madaxweynihii Haiti, hase ahaatee uu shirqoolkaasi isu bedelay in la dilo madaxweynaha, ka dib markii ay kooxda weerarka geysatay ay awoodi waayeen inay helaan diyaarad ay ku qaataan madaxweynaha si ay dalka uga saaraan.

Dacwad oogayaasha Mareykanka, ayaa bishii January ee sannadkan, waxay eedeymo kuwan la mid ah ku soo oogeen Rodolphe Jaar, oo ah muwaadin haysta dhalashooyinka dalalka Haiti iyo Chile, iyo weliba Mario Palacios, oo ah askari hore oo u dhashay dalka Colombia, kaasoo booliiska Haiti ay ku sheegeen in uu ka mid ahaa koox shan nin ah oo galay qolka jiifka ee madaxweyne Moise si ay u toogtaan.

Afar garsoore oo ku sugan dalka Haiti oo gacanta ku hayey kiiska dilkii madaxweynihii hore ee Haiti, ayaa shaqada ka tegey, iyaga oo sheegay inay heleen hanjabaado dil ah, taas oo halis ku ah ammaankooda.

Reuters.