Qarax lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir

Muqdisho (Aftahannews)- Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya qarax miino oo Xalay fiidkii hore lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Qaraxa, ayaa la sheegay inuu ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan wadada xidhiidhisa Muqdisho iyo Ceelasha biyaha, waxaana la xaqiijiyay in qaraxa ayna waxyeelo ka soo gaadhin Taliyaha, hayeeshee qaraxa ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa oo saarna gaadhiga Cabdibilaha uu qaraxa qabsaday..

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxaasi lala beegsaday kolanyada gaadiidka ee galbineysay Taliye Farxaan Qaroole, ayaa waxay sheegeen in qaraxa uu burburiyay mid ka mid ah gawaadhidii galbineysay Taliyaha, walow ayna sheegin khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxa.

Sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu ka badbaaday Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole weerar ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaa soo lagula eegtay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.