Ukraine: Tobaneeyo laga cabsi qabo inay ku dhinteen Iskuul uu duqeeyey Ruushku

Kyiv (Aftahannews)- Darsinno dad ah oo reer Ukraine ah, ayaa laga cabsi qabaa inay Axaddii dhinteen ka dib duqeyn Ruushka ka timid oo keentay in iskuul ay ku jireen ilaa 90 arday uu dhulka la sinmo, kaas oo ku yaallay bariga dalka Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka lagu muransan yahay ee Luhansk, halkaas oo dagaallo qadhaadhi ay toddobaadyo ku dhex mareyeen ciidanka Ruushka iyo xoogagga Ukraine, ayaa sheegay in 30 qof laga soo badbaadiyey goob ku taalla Bilohorivka, hase yeshee, kuwo kale oo iskuulka ku jiray ay u badan tahay in aanay badbaadin.

“Sida ay u badan tahay, dhammaan 60 qof oo burburka ku hoos jira hadda way dhinteen,” ayuu yidhi guddoomiye Serhiy Haidai, mar uu fariin ku qoray boggiisa Telegramka. Waxa uu intaas ku daray in duqeymaha Ruuhsku ay sidoo kale dileen laba wiil oo da’doodu kala ahayd 11 iyo 14, kuwaas oo ku sugnaa magaalada goobtaas ka ag dhow ee Pryvillia.

Duqeymihii u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Donbas, ayaa yimid xilli Ruushku si aan kala go’ lahayn uu weerar ugu hayey bariga Ukraine si uu u muujiyo guul dhinaca dhulka ah.

Tallaabadan ayuu qaaday ka hor maanta oo Isniin ah oo ku beegan fasaxa Maalinta Guusha oo uu xuso markii Ruushku uu jabiyey Naasigii Jarmalka, xilligii dagaalkii 2aad ee dunida

Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield, ayaa barnaamijka State of the Union ee telefishinka CNN u sheegtay in aanay jirin wax “Ruushku uu u dabbaaldego”, dagaalka uu Ukraine ku qaadayna “uu ku guuleystay oo kaliya inuu dunida kale go’doon ka noqdo.”

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagey magaalada Kyiv oo uu kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ka dibna waxa uu dib u furay safaaraddii Canada ee magaalada ay dagaaladu aafaayeen.

Danjiraha Mareykanka ee Ukraine, Kristina Kvien iyo diblomaasiyiinta safaaradda, ayaa iyaguna dib ugu noqday magaalada Kyiv, iyaga oo isu diyaarinaya in dhawaan ay dib u furaan safaaraddii Mareykanka ee magaalada Kyiv.