Farmaajo oo Shaaciyay inuu u Sharraxan yahay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdallaahi Farmaajo, ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu markale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo, ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashada lagu soo beegay 15 ka May oo ah maalintii la aas aasay ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

“Anigoo tixgelinaya codsiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday in aan mar kale isu sharraxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan u sii socodsiinno isbeddelka ka socda dalka ee midho-dhalay,” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo, waxaa uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay qof aamin ah oo ilaaliya ammaanadeeda iyo hantida qaranka, wuxuuna xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya ka codsaday inay codkooda siiyaan, si mar kale u hoggaamiyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa noqonaya haddii markale dib loogu doorto xilkan, madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer xukunka qabta.