Ku dhowaad 25 Musharax oo isu Diiwaangeliyey Doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – In ka badan 25 musharax, ayaa illaa hadda isu diiwaangeliyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo shahaadada musharaxnimo ka qaatay guddiga doorashada ee baarlamanka.

Diiwaangelinta musharaxiinta, ayaa shalay ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guud ahaan waxaa shalay is-diiwaangeliyey illaa 10 musharax oo kala ah: Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdullaahi Cali Xasan, Cabdinuur Sheekh Maxamed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta, ayaa sii socota maanta iyada oo illaa hadda ay is-diiwaangeliyeen, Xasan Sheekh Maxamuud, Dr. Saciid Ciise Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Mahad Axmed Diiriye, Muqtaar Maxamed Sayid, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, Jamaal Axmed Ibraahim, Maxamuud Daahir Aweys
Ridwaan Xirsi Maxamed, Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiq, Nimcaan Shiekh Cumar, Mukhtaar Maxamed Sayid iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Adam oo ah haweeneyda kaliya ee xilkan u taagan.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay is-diiwaangeliyaan musharaxiin kale, oo uu ka mid yahay madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo kursiga.

Musharaxiinta, ayaa lagu xidhay shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacag is-diiwaangelin oo gaadhaysa $40,000, inay haystaan saxeexa 20 xildhibaan oo taageersan iyo soo gudbinta barnaamij siyaasadeedkooda oo qoran.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la qorsheeyay inay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho ka dhacdo Axadda 15-ka May 2022.

Haddii uu sida loo qorsheeyey u dhaqan-geliyo jadwalka doorashada Soomaaliya, waxa ay soo geba-gebeeneysaa dib u dhac 15 bilood ah oo ku yimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo uu dhammaaday bishii February 2021.