Sidee Magaaladii lagaga dhawaaqay Gooni-isu-taagga Somaliland 18 May 199-kii looga xusay 23-sano ka dib?

Burco(Aftahannews):- Kumanaan Dadweynaha ah ayaa saaka isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Burco , halkaasoo ay ugu dabaal dageen sanad-guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland.

AWRKA CALANKA LA SAARAY OO BURCO MARAY

Saddex Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka qayb-galay isu soo baxaasi oo ay dadka reer Burco markii ugu horaysay si ka duwan sidii hore isugu soo baxeen. Dadweynaha ayaa xalay ka bilaabay banaanbaxayda ay ku dabaal degayaan. Ciidamo isugu jira Bilays iyo Milateri socod Gaardis ah ku maray waddooyinka. Dadka ayaa boqolkiiba sideetan ku lebisnaa Calanka Somaliland, iyagoo sidoo kalena gacmaha ku sitay agab kale oo Calanka lagu xardhay. 

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo ah Meeshii lagaga dawaaqay inay Jamahuuriyadan Somaliland Gooni isu taagto taariikhdu markay ahayd 1991 ayaa sanad guuradii sadex iyo labaatanaad ee kasoo wareegtay si heer sare ah maanta looga xusay,dadwayne aad u tiro badan oo dhamaantood maryo ka toshay calankan sadexda Midab leh, isla markaan ku mashquulsanaa todbaadkii ugu danbeeyay  sidii aya ugu diyaargaroobilahaayeen ayaa maanta isugu soo baxay  gegida Diyaaradaha ee magaalada Burco,  waxaana dabaaldegaasi saaka socod ku maray Ciiidamada kala Duwan ee Milatariga,Booliska, iyo Asluubta.

Sidoo kale aradyda Dugsiyada shirkadaha isgaadsiinata,shirkada Laydhaka ee HECCO oo diraysyo iyo Boodhadh ay ku Xardhan yiiin 18 MAY sitay,Fardaha,Geela calamada loo huwiyay,qalabka Hidaha iyo dhaqanka,simbiraha calanku ku sawirayay ayaa iyana Goobtaas duulduulayay ayaa damaantood ku sugnaa .Xuska sanad guuradan 23 aad ayaa waxaa dadwaynaa Reer Burco kala soo qaybgalay saaka Wasiirka wasaarada Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal,

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo Munaasibadaas loogu dabaal degaayay 18 may ka hadlay ayaa  yidhi”Waxaa wax laga qabtay Biyaha,caafimaadka,Ciidamada aad ragtaan,Dawlada badan oo inaga xoog wayn inaga qanisan ayaa waxaynu haysano aan haysan oo nabadgelyada dhibaato ka haysataa,inagoo aan citiraaf haysan ayaynu Sadex iyo lbaatan sano soo jiray oo nabadeena haysanay aan nabadgelyada ilaashano,Burcona aad baan u hamabalyaynayaa oo horumar bay samaysanay   ,oo shirkadihii laydhka ayaa midoobay oo markii hore mid waliba daan shidaysay,Wasiirku isagoo ka gadlaya Shirkadii shidaalka waxa uu yidhi”sanadkii hore shirkado caalami ahi yimaadeen Goboladan bariga shaqooyinkii ay wadeen inay hakadeen sababbayntay u sababeeyeena waxa weeye Xasilooni daro ay dareemeen,maanta markii aan burco imi iyo markii ay sharaa’iga joogeen faraq wayn baa u dhexeeya dhaqaalaa socday shaqo badan baa jirtay,waxaynu is waydiinaynaa shaqadii masoo laabanaysaa,haa shaqadii way soo laabanaysaa hawlgaladii  way imanayaan maxaase inaga laynaga rabaa,waxaa laynaga rabaa inaynu soo dhawayno xasiloonida iyo nabad gelyadaba  ilaalino,insha allaah sanadkan inta ka hadhay ka wasaarad ahaan in wax yabaahii shirkadahaasi ka cabanayeen ee xasilooni darada ahaa in la hagaajiyo oo nabada la sugo oo ay soo noqdaan,markaas wax qabad wayn baa ka bilaabmaya dalka Goboladiisa bari ee Togdheer ay hormuudka ka tahay,shacab waynaha bariga waxaan farayaa inay ilaalilayaan nabada soona dhaweeyaan shirkadaha.

Wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta Maxamed jaamac Abgaal oo isna saaka Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay Somalaland oo dadwaynaha tiradaas lihi isugu soobaxeen.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inuu Madaxwayne siilaanyo yahay ninkii Somaliland waxaanu yidhi” Bisha May waa bil inagu wayn 27kii burco ayaa lasoo galay 31 kii hargaysaa la soo galay,waxaa hogaaminayay maalinta ururkii SNM oo oday ka ahaa Dagaalkaana saxeexay Madaxwayneheena maanta jooga Axmed maxamuud Siilaanyo,maantana waa maalintii aynu magaaladan Burco kaga dhawaaqnay inaynu lasoo noqono Gobanimadeenii.

Maaayarka Mgaalada Burco Maxamed Muraad ayaa isna hadalo kooban madashaas maanta ka sheegay inaaanay reer     Somaliland ka laabanayn Gooni isu taagooda.

S5460270S5460281S5460362S5460380S5460541S5460562S5470012S5470042

 

Xigasho Gobanimonews.com

Kumanaan Dadweynaha ah ayaa saaka isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Burco , halkaasoo ay ugu dabaal dageen sanad-guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland.

Saddex Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka qayb-galay isu soo baxaasi oo ay dadka reer Burco markii ugu horaysay si ka duwan sidii hore isugu soo baxeen.

Dadweynaha ayaa xalay ka bilaabay banaanbaxayda ay ku dabaal degayaan.

Ciidamo isugu jira Bilays iyo Milateri socod Gaardis ah ku maray waddooyinka.

Dadka ayaa boqolkiiba sideetan ku lebisnaa Calanka Somaliland, iyagoo sidoo kalena gacmaha ku sitay agab kale oo Calanka lagu xardhay.

Wariyaha Gobanimonews ee Burco oo uu Waraysi la yeeshay Saleban Cabdi Cali, ayaa ka waramay sida ay saaka shucuubta Reer Burco ahayd.

Halkan ka dhegeyso:

00:00
00:00

 

Halkan ka Akhri

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo ah Meeshii lagaga dawaaqay inay Jamahuuriyadan Somaliland Gooni isu taagto taariikhdu markay ahayd 1991 ayaa sanad guuradii sadex iyo labaatanaad ee kasoo wareegtay si heer sare ah maanta looga xusay,dadwayne aad u tiro badan oo dhamaantood maryo ka toshay calankan sadexda Midab leh isla markaan ku mashquulsanaa todbaadkii ugu danbeeyay  sidii aya ugu diyaargaroobilahaayeen ayaa maanta isugu soo baxay  gegida Diyaaradaha ee magaalada Burco,  waxaana dabaaldegaasi saaka socod ku maray Ciiidamada kala Duwan ee Milatariga,Booliska, iyo Asluubta,sidoo kale aradyda Dugsiyada shirkadaha isgaadsiinata,shirkada Laydhaka ee HECCO oo diraysyo iyo Boodhadh ay ku Xardhan yiiin 18 MAY sitay,Fardaha,Geela calamada loo huwiyay,qalabka Hidaha iyo dhaqanka,simbiraha calanku ku sawirayay ayaa iyana Goobtaas duulduulayay ayaa damaantood ku sugnaa .Xuska sanad guuradan 23 aad ayaa waxaa dadwaynaa Reer Burco kala soo qaybgalay saaka Wasiirka wasaarada Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal,

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo Munaasibadaas loogu dabaal degaayay 18 may ka hadlay ayaa  yidhi”Waxaa wax laga qabtay Biyaha,caafimaadka,Ciidamada aad ragtaan,Dawlada badan oo inaga xoog wayn inaga qanisan ayaa waxaynu haysano aan haysan oo nabadgelyada dhibaato ka haysataa,inagoo aan citiraaf haysan ayaynu Sadex iyo lbaatan sano soo jiray oo nabadeena haysanay aan nabadgelyada ilaashano,Burcona aad baan u hamabalyaynayaa oo horumar bay samaysanay   ,oo shirkadihii laydhka ayaa midoobay oo markii hore mid waliba daan shidaysay,Wasiirku isagoo ka gadlaya Shirkadii shidaalka waxa uu yidhi”sanadkii hore shirkado caalami ahi yimaadeen Goboladan bariga shaqooyinkii ay wadeen inay hakadeen sababbayntay u sababeeyeena waxa weeye Xasilooni daro ay dareemeen,maanta markii aan burco imi iyo markii ay sharaa’iga joogeen faraq wayn baa u dhexeeya dhaqaalaa socday shaqo badan baa jirtay,waxaynu is waydiinaynaa shaqadii masoo laabanaysaa,haa shaqadii way soo laabanaysaa hawlgaladii  way imanayaan maxaase inaga laynaga rabaa,waxaa laynaga rabaa inaynu soo dhawayno xasiloonida iyo nabad gelyadaba  ilaalino,insha allaah sanadkan inta ka hadhay ka wasaarad ahaan in wax yabaahii shirkadahaasi ka cabanayeen ee xasilooni darada ahaa in la hagaajiyo oo nabada la sugo oo ay soo noqdaan,markaas wax qabad wayn baa ka bilaabmaya dalka Goboladiisa bari ee Togdheer ay hormuudka ka tahay,shacab waynaha bariga waxaan farayaa inay ilaalilayaan nabada soona dhaweeyaan shirkadaha.

Wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta Maxamed jaamac Abgaal oo isna saaka Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu arko magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay Somalaland oo dadwaynaha tiradaas lihi isugu soobaxeen.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inuu Madaxwayne siilaanyo yahay ninkii Somaliland waxaanu yidhi” Bisha May waa bil inagu wayn 27kii burco ayaa lasoo galay 31 kii hargaysaa la soo galay,waxaa hogaaminayay maalinta ururkii SNM oo oday ka ahaa Dagaalkaana saxeexay Madaxwayneheena maanta jooga Axmed maxamuud Siilaanyo,maantana waa maalintii aynu magaaladan Burco kaga dhawaaqnay inaynu lasoo noqono Gobanimadeenii.

Maaayarka Mgaalada Burco Maxamed Muraad ayaa isna hadalo kooban madashaas maanta ka sheegay inaaanay reer     Somaliland ka laabanayn Gooni isu taagooda.S5460270S5460281S5460362S5460380S5460541S5460562S5470012S5470042

Axmed Muuse Maxamed

Gobanimonews