Diiwaangelinta Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo la Bilaabay iyo Musharraxa u horreeyey

Muqdisho (aftahannews):- Diiwaangelinta Musharraxiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, ayaa maanta laga bilaabay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaan galiya ayaa waxaa noqday madaxweynahii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markale doonaya inuu noqdo madaxweynaha dalka ee afarta sano ee soo socota 2022- 2026.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa noqday Musharrixii ugu horreeyay ee qaatay shahaadada Musharaxnimo ee doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale qaatay Musharaxiin kale oo u taagan tartanka doorashada Madaxwaynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya yeelan doono oo loo muddeeyey 15-ka bishan May 2022-ka.

Goobta ay ku shaqeynayaan guddiga doorashada madaxweynaha ee lagu diiwaan galinayo Musharaxiinta ayaa ah xarunta Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soonaaliya, waxaana haatan ka socda howlaha la xiriirta diiwaan gelinta musharixiinta madaxweynaha.