Goormaa loo Muddeeyey Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya?

Muqdisho (aftahannews):- Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa muddeeyey in doorashada madaxweynaha dalka la qabto 15-ka bishan May 2022-ka.

Mudddo toban cishe ah ayaa ka dhiman waqtiga loo qabtay doorashada madaxweynaha, si looga baxo hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalku kusoo jiray15 kii bilood lasoo dhaafay.

Shaacinta jadwalka doorashada, ayaa soo baxday waxyar kadib markii guddiga doorashada uu yeeshay hoggaan rasmi ah, kadib doorasho tartan adag loo galay oo lagu doortay guddoomiyaha iyo ku xigeenka guddiga doorashada.

Sida la filayo in ka badan 20 musharrax uu ku jiro madaxweynaha waqtiga uu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iskusoo sharixidoono xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

Kadib muddo hal sano iyo ka badan oo doorasho la’aan dalku ku jiray, waxay haatan u muuqataa in doorashada dhameystirkeeda wax yar loo jiro islamarkaasna lagasoo gudbay caqabado badan oo hortaagnaa.

Qoraalka Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2022